RW Cabdiwali: ‘Ciidamada amnigu waxay ka hortageen weerar khasaaro badan geysan lahaa” Muqdisho, 24, may, 2014...Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federa

         
OPM B

RW Cabdiwali: ‘Ciidamada amnigu waxay ka hortageen weerar khasaaro badan geysan lahaa”

Muqdisho, 24, may, 2014...Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed, qaar kamid ah Golaha Wasiirada, Taliyaasha Ciidamadda, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa galabta booqday Xarunta golaha Shacabka oo lagu soo bandhigayay 7dii dhagarqabe ee maanta weeraray xarunta golaha baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo Saxaafadda kula hadlay banaanka hore ee xarunta golaha Shacabka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii maanta, isagoo faray laamaha amniga dawladda inay qaadaan tallaabooyin lagu wiiqayo haraadiga kooxda Al-shabaab.

Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ciidamada amniga uga mahadceliyay sida ay uga hortageen khasaaro badan oo ka dhalan lahayd weerarkii ay soo qaadeen nabad diidku,

“Weerarkani waa mid argargixiso oo ay sheegatay Al-shabaab, waa mid ka mid ah falalkooda waxashnimada ah oo ay la beegsadaan dadka aan waxba galabsan, falkaan fulaynimada ah ma noqon doono mid naga hor istaaga inaan sii wadno dagaalada aan uga sifaynayno dalkeena” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale sheegay inaysan ahayn goobtani mid Ciidan balse ay ahayd goob loogu adeego shacabka Soomaaliyeed .

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay Qaraxa iyo kuwii dhaawacmayna ILAAHAY uga baryey inuu siiyo caafimaad taam ah.

“Weerarkaan nagma leexin doono dagaalka aan kula jirno Al-shabaab. Ololaha militeri ee ay wadaan ciidamada qaranka iyo kuwa AMISOM ee ka dhanka ah kooxaha nabad diidka waa lasii labo-jibaarayaa, si dalka oo dhan looga cirib-tiro caddowga ummadda Soomaaliyeed ee Al-shabaab” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqday Xarunta Wasaarada Gaashaandhigga ayaa faray ciidamada qalabka sida inay si dhaqsi ah uga jawaabaan weerarkii maanta, isagoo shacabka Soomaaliyeed uga baaqay inay ciidamada gacan ku siiyaan sidii Kooxaha Al-Shaabab dalka looga cirib tiri lahaa, isla markaana aysan u dhici lahayn in dhagar qabayaashu ay bulshada dhibaateeyaan.

Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in dawladdu ay qaadayso tallaabooyin ay kaga hortagayso in falal noocan oo kale ah ay mar kale soo laabtaan.

----DHAMAAD---

Waaxda warfaafinta ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho, Soomaaliya
Media@opm.gov.so

IMG 4461
 
IMG 4460
 
IMG 3939
 
IMG 3900
IMG 4370
 
IMG 3860
 
IMG 3893
 
IMG 3900
IMG 3770
 
IMG 3761
 
IMG 3642
 
IMG 3725
IMG 3635
twitter
1px