Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya Juun 18, 2013, Muqdisho.....Mudanayaal, marka ugu horeysa dhamaantiin waad salaamantihiin. Waxaa sharaf weyn

       
OPM B

Dib-u Noolaynta Waxbarashada Soomaaliya

Juun 18, 2013, Muqdisho.....Mudanayaal, marka ugu horeysa dhamaantiin waad salaamantihiin.

Waxaa sharaf weyn ii ah in aan idinkala soo qeyb galo, rasmi ahaana u furo Shirka Waxbarashada Soomaaliyeed.

Ugu horeyn, waxaan u mahadcelinayaa, Wasiirka iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Adeega Bulshada iyo Agaasinka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Wasaaradda. Waxaan kaloo u mahadcelinayaa, ka qeybgalayaasha iyo hay’adaha UNICEF iyo UNESCO oo ka qeyb qaatay suurto galinta shirkaan.

Shirkaan oo ah mid ummadda Soomaaliyeed aad ugu hanweyn tahay, kuna soo beegmay waqti is beddel taariikhi ahi dhacayo oo laga gudbay dagaalkii sokeeye iyo dawladihii ku-meel gaarka ahaa, mar labaadna aan dib u hananay dawladnimo rasmi ah ee dalkeena, ayaa shirkaan waxaa laga sugayaa qaabeynta nidaamka waxbarasho ee dalka.

Sida la ogyahay, waxaa dhalatay Dawlad Federaali ah oo hogaan u ah Soomaaliyada cusub una heelan inay aqoonta ku gaarto dhamaan noocyada horumarka banii’aadamku u baahan yahay sida dhaqaale, tiknologiyo iyo mid bulsho. Shirkaan wuxuu qeyb weyn ka yahay dadaalka dawladdu ugu jirto kobcinta tacliinta ubadka Soomaaliyeed, ayna kula dagaalamayso jahliga, cudurka, gaajada iyo dhamaan duruufaha kale ee aqoon daradu sal-dhiga u tahay.

Waxaad tihiin aqoonyahano iyo xulka xeel-dheerayaasha tacliinta oo laga doonayo inay ka talo bixiyaan sidii mar kale dhidibada loogu taagi lahaa nidaam waxbarsho oo tayaysan oo la jaanqaadi kara cilmiga iyo tiknologiyada qarnigan 21aad, isla markaana la wada awoodo.

Waxaa waajib dastuuriya ah in ilma kasta oo Soomaali ahi helo wax-barasho illaa heer dugsi sare gaarsiisan oo lacag la’aan ah. Taasi waa waajib culus ooy tahay inaan u tabaabushaysano dawlad iyo shacabba.

Qiimaha Waxbarashada

Waxbarasho tayaysan waa kaabaha dhaqaale ee ugu muhiimsan ee umaddeenu yeelan karto. Waxay noo suurto galinaysaa in bulshadeeno gaarto hadafkeeda dheer ee ah inaan dalkeena horumarinno. Waxay xoojinaysaa wadaniyada, waxayna gaashaan nooga tahay caddawga ummadeena ee ah jahliga, cudurka iyo faqriga baahay.

Ka sakow qiimaha weyn ee bulshadeena ay ugu fadhido waxbarshadu, waxaa hubaal ah in ahmiyad gaar ah u leedahay horumarka qoska iyo himilada ardayga Soomaaliyeed. Waxbarashadu waxay ardayda dhaxalsiisaa dhawr-sanaan, ixtiraam, dulqaad, wax isla-wadaag iyo asluub wanaagsan oo intuba aasaas u ah nolosha qofka, loona baahan yahay in lagu ababiyo ubadkeena.

Tacliinta oo aan ka baahi tirno shacbkeena waa jidka ugu haboon een ku abuuri karno bulsho midaysan oo qof kastaa uu door muuqda ku leeyahay horumarka iyo wax-soo saarka dalka. Si aan hadafkaas muqadaskaa u gaarno dawladdu waxay ku dadaalaysaa inay waxbarashada u qoondayso miisaaniyad lamid ah midda amniga iyo difaaca dalka u qorshaysan.

Hafadka Dawladda

Waxaan doonaynaa inaan ubadkeena ku ababino wadaniyad anagoo ka hortageyna afkaaraha guracan iyo xagjirnimada oo aan midkoodna manfac u lahayn ummaddeena. Dugsiyadeenu waa inay noqdaan kuwo ahmiyada koowaad siinaya ku barbaarinta ardayga akhlaaqda suuban, baranna dhaqankiisa iyo taariikhda dadkiisa iyo dalkiisa. Barayaashu waa inay had iyo jeer ku baraarug-sanaadaan mushkilada ay bulshada ku hayaan qabyaalada iyo quursiga, ayna ardayda ku barbaariyaan sinaan, walaaltinimo iyo is-ixtiraam.

Si wada-jir ah, waa inaan ardaydeena iyo dhalinyaradeena ugu baarbaarinaa qiimaha wadanka iyo in qofku aamino qofnimadiisa, diintiisa, dalkiisa iyo dhaqankiisa suuban. Dugsiyadu waa halka ugu haboon ee laga baahin karo dhaqanka suuban, diinta hufan iyo wadaniyada, waana meesha lagala dagaali karo afkaaraha qaldan ee lagu dhibaataynayo ummadeena.

Fasahaadka Caqiidada

Qaar dhallinteena kamid ah laga marin habaabiyay caqiidada Diinta Islaamka taas oo jaah-wareer weyn ku ah bulshadeena guud ahaan. Jaah-wareerka diimeed ee ummadda la soo gudboonaaday waxaa ka dhashay khatar aad u weyn. Waxaana ku khasbanahay inaan ka hortagno khatartaas anagoo xoogga saarayna inaan ubadkeenna si fiican u fahamsiino caqiidada suuban ee Islaamka.

Hirgalinta Qorshahan

Haddaba, si qorshaha waxbrashadu u hirgalo waxaa ka go’an dawladda, in wasaarada loo fududeeyo dhaqaalaha iyo tas-hiilaadka kale ee ay u baahan tahay. Sidoo kale, dawladdu waxay iska xil-saaraysaa diyaarinta macallimiintii hawshaas fulin lahaa. Xirfadda macallinimadu waa inay noqoto mid lagu tartamo oo dhallinta dugsiyada ugu fiican ay soo dalbadaan. Waxaana ku hamiyaynaa inaan kor u qaadno nolosha iyo tayada macallimiinta.

Dawladdu waxay ku guda jirtaa soo celinta iyo dib-u soo noolaynta dhammaan dugsiyaddii dawladda ee shacbiga Sooomaaliyeed ay iskaa wax u-qabso ugu dhisteen intooda badan. Dadka deggan dugsiyadda iyo dhismayaasha kale ee dawladda waxaan ugu baaqaynaa inay si deg deg uga guuraan goobahaas waxbarasho.

Waxaan soo celinaynaa dugsiyaddii farsamo ee dawladda kuwo cusubna waan hirgelin doonaa.

Sidoo kale waxaan ka shaqeynaynaa sidii dib loogu hawlgelin lahaa Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed waxaana lagu soo kordhin doonaa kulliyado hor leh iyo machadyo sare oo iyada hoos yimaada.

Gunaanad

Mudanayaal, martida sharafta leh ee shirweynahan qeybta ka ah, waxaan idinka sugaynaa inaad fikir cad ka dhiibataan nidaamkii iyo qorshihii waxbarashada dalku ku socon lahaa sanooyinka soo socda. Waxaan doonaynaa nidaam waxbarasho oo leh manhaj midaysan oo awood u leh inuu soo saaro jiil Soomaaliyeed oo cusub, isla markaana ahmiyad gaara siinaya barashada iyo kor u qaadidda afka Soomaaliga. Manhajkaas waa inuu soo saari karaa jiil cusub oo Soomaalinnimo, waxgaradnimo, karti iyo aqoon casriyana leh, maskax fayoow.
Waxaan idinka sugaynaa inaad soo jeedisaan qorshe waxbarasho oo u qalma dalkaan, kaas oo hoorseedi kara in ummadeenu ku tilaabsato horumar dhan kasta oo nolosha la xiriirta ayna ka baxdo jahliga iyo gaajada.

Waad mahadsan tihiin dhamaan.

Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaliga ah ee Soomaaliya

twitter
1px